Madaxweyne Ku Xigeen Barca Oo Xaqiijiyay In Lionel Messi Uu Heshiis Qaali Ah U Saxiixi Doono Barcelona.

04/02/2014 01:45

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 04-February-2014

1177468-24578585-640-360

Madaxweyne ku xigeenka Barcelona Javier Faus ayaa sheegay in Lionel Messi uu yahay xiddiga adduunka ugu fiican islamarkaana uu dhawaan heshiis cusub oo qaali ah ka heli doono Barcelona.

Faus iyo Lionel Messi ayaa isku dhacay dhamaadkii sannadkii hore, iyadoo xiddiga reer Argentina uu sheegay in madaxweyne ku xigeenka uusan waxba ka aqoonin kubada cagta ka dib markii uu sheegay in ciyaaryahanka uusan u baahneyn heshiis cusub.

Si kastaba, labada nin ayaa haatan kala duwanaanshahooda xaliyay, waxaana Faus uu mar kale ku hadlayay ereyo ka duwan sidii hore isagoo sheegay in Messi uu heli doono heshiis cusub iyo mushahar kordhin ka tarjumeysa inuu muhim u yahay Blaugrana.

 

 

“Maalmaha soo socda ama bilaha soo socda waxaan heshiis cusub ka saxiixi doonaa Lionel Messi” ayuu yiri Faus.

“Waa ciyaaryahanka adduunka ugu fiican, sidaasi darteed waxa uu u qalmaa in sidaas loola dhaqmo oo laga dhigo xiddiga ugu mushaharka badan.”