Manchester United oo rabta in saacadaha soo socda la wareegto Kroos

30/01/2014 23:05

waxaa qoray:maslaxtaleexi

Kooxda Manchester United macalinkeeda David Moyes ayaa wali waxa uu wadahadal kula jiraa kooxda Bayern Munich iyaga oo ka doonayo in ay ka helaan ciyaaryahanka  Toni Kroos.

Sida lagu qoray Daily Mail ayaa waxaa shaaca looga qaaday in macalinka Moyes uu soo daawaday todobaadkii hore  ciyaar dhax mareysay kooxaha Bayern Munich iyo Borussia Moenchengladbach si uu u soo qiimeeyo ciyaarta Kroos.

Kroos ayaa hada waxa uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Man United hadii ay mushaar ahaan u siineyso £150,000 oo gani todobaadkii waana lacag laba laab ka yar lacaga la doonaaya in mushaar ahaan loosiiyo Rooney Todobaadkii.

Kooxda  Bayern ayaa la sheegay hadii ay xidigaan ay fasaxeyso ay ku diri doonaan lacag aan ka yareyn £25 Milyan oo gani.