Maqaal: Waa Waqtigii Uu Moyes Iska Ilaawi Lahaa Shaxda 4-4-2 Islamarkaana Uu Isticmaali Lahaa Juan Mata.

02/02/2014 03:19

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 02-February-2014

Moyes-Mata

Hamigii taageerayaasha Man United ay qabeen ayaa noqday mid kooban. Wax ka yar isbuuc ka dib markii ay Juan Mata kula soo wareegeen 37.1 milyan ginni islamarkaana ay wadada guusha ku soo laabteen markii ay ka badiyeen Cardiff City, United ayaa guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay shalayto Stoke City taasoo ka dhigeysa inay wajahayaan suurtogalnimada ay isbuucaan sagaal dhibcood uga danbeeyaan booska kaalinta 4aad ee loogu soo baxo Champions League.

David Moyes ayaa fursad u helay inuu garoon soo wada geliyo Mata oo ka garab ciyaaraya labada xiddig ee taam ahaansho ku laabtay Robin van Persie iyo Wayne rooney laakiin waxa uu ku dhegay qaacidada uu aaminsan yahay ee 4-4-2 taasoo keentay in saxiixooda cusub uu waayo meel uu wax ka bilaabo.

Macalinka reer Scotland ayaa fursad u heystay inuu soo bandhigo taatikadiisa cusub, islamarkaana uu cadeeyo in kooxdidia ay diyaar u tahay isbedelkii laga sugayay muddo dheeri. Laakiin Mata oo uu qeyb ka dhigay qaacidadiisii hore, waxa ay muujineysaa in tababaraha United uusan weli meesha ka saarin dhibka heysta kooxda difaacaneysa horyaalka. Waxaana dad badan isweydiinayaan sababta aad saxiix weyn sida Mata u la soo wareegtay bisha Janaayo haddiiba aad ku sii soconeyso qaab ciyaareedkaagii hore?

Qaab ciyaareedkaasna ma ahan mid United ka dhigay koox halis ah xitaa haddii seddexdooda xiddig ee ugu waa weyn ay garoonka ku jireen, markii ugu dhaweyd ee ay fursad u heleen inay wax barbareeyaan waxa ay aheyd kubadii Rooney kaga dhacday birta dhamaadkii ciyaarta.

 

 

Qabiirada falanqeeya kubada cagtaPremier League ayaa sheegaya in Mata uu ku fiican yahay shaxda 4-2-3-1, oo qeyb laga dhigo seddex kubadsameeye isagoo ka garab ciyaaraya Rooney iyo Adnan Januzaj kaasoo kursiga keydka galay tan iyo intii uu yimid xiddiga reer Spain, islamarkaana Van Persie uu yahay gooldhaliyahooda kaliya ee afka hore, waana qaacido uu Mata ku riyaaqay markii uu joogay Stamford Bridge.

Haddii shaxdaas ay u bedelaan waxaa dhici karta in daafacooda uu furnaado laakiin weerarka afarta ah ee hore ayaa ka dhigi kara United kuwa halis ah oo kooxaha aysan ku soo degdegin.

Inkastoo United aysan iskawada ilaawi karin shaxda 4-4-2 taasoo aheyd midii uu Sir Alex Ferguson guulaha ku gaarsiiyay Red Devils, hadana wariyaha maqaalkaan qoray waxa uu leeyahay David Moyes waa inuu wax ka bedelaa ilaa iyo inta uu ka helaayo ciyaartoy ku haboon shaxdii hore.