Munich Oo ka fiirsaneysa Dalab ay u dirto daafaca Chelsea David Luiz

30/01/2014 23:13

waxaa qoray:maslaxtaleexi
Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay dalab u diri doonto daafaca kooxda Chelsea David Luiz marka uu suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub dib u furmo xagaaga.

Waxaa la aamisan yahay inuu tababare Pep Guardiola isha ku hayo inuu xoojiyo qorshihiisa daafaca kooxda ka dhisan Allianz Arena, Paris Saint-Germain PSG Thiago Silva ayaana sidoo kale diiradda u saaran kooxda reer Germany.

article-2548063-1AFA7B3400000578-245_634x403Si kastaba ha ahaatee, Silva ayaa dhowaan qandaraas cusub u saxiixay Paris Saint-Germain taas oo ka dhigan inay adag tahay inuu ka tago caasimada France, natiijadaas ayaana la micno ah inuu in Guardiola u weecdo Luiz, sida laga soo xigtay Daily Mail

Warbixinta ayaa intaas ku dareysa inay Chelsea ka fiirsan doonto dalabyada u yimaada xiddiga reer Brazil ee ku dhow 35 milyan oo ginni, iyadoo markaas ay dooneyso inay daafaca reer France