Nasser Al-Khelaifi: PSG Marna Lama Soo Saxiixan Doonto Lionel Messi.

30/01/2014 22:24

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 30-January-2014

hi-res-Preview_crop_exact

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa marnaba kula soo saxiixan doonin xiddiga Barca Lionel Messi lacago gaaraya 250 Milyan Euro Sida ay buunbuunyieen saxaafada.

Sida ay baahisay L’Equipe Al-Khelaifi ayaa xaqiijiyay in Messi uu iman karo gegeda Parc des Princes lakiin kaliya wuxu imaanaya hadii aan isku aadno Blaugrana Champions League oo Away ay yihiin balse aysan soo iibsan doonin Messi.

” Messi waa ciyaaryahan fantastik ah Waxaan akhriyey jariidka aad qorto inaan dooneyno Messi , hagaag haddii aad haysato lacag aad ku keeni karto Paris lasoo wareeg oo PSG keen heshiisna kasoo saxiix ,Ma jirtaa fursad kasta oo riyada lasoo wareegista Leo ay maalin un noqon doonta mid dhabowda? Maya sido kale PSG lama soo saxiixan doonto Messi” ayuu ugu waramay saxaafada Al-Khelaifi.

 

 

“PSG way lasoo wareegi doonto Messi hadii uu dhankiisa ka doonayo midas mana jirto mid inoo diideysa lakiin hadii kooxaha Lacagta leh Ee ka ciyaara Ligue1 ay doonayan waxay u muuqata in laacibkan uu yahay qaali”ayuu Al-Khelaifi ka dhawajiyay

Xiddigan afarta jeer ku guuleystay FIFA Ballon D’or ayaan weli muujin calaamad kasta oo muujinaysa inuu isaga tago Barcelona inkastoo  Messi marar badan lala xariiriyay inuu isaga tagyo Barca sido kale Javier Faus oo ah xubin ka tirsan madaxda Barca ayaa sheegay in Leo uu dalbaday in mushaarka loo kordhiyo ka hor inta uusan heshiis cusub saxiixin.

” Barcelona waa kooxda ugu fiican dunida weyna ahaaneysa lakiin Faus waa qof aan garanayn wax ku saabsan kubada cagta wuxuna rabaa in Barcelona u maareeyo sidi ganacsi oo kale” ayuu Al-Khelaifi kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.