Rasmi: AC.Milan Oo Shaacisay Inay Lawareegtay Adel Taarabt

31/01/2014 07:59

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 30-January-2014

Adel Taarabt

Kooxda AC.Milan ayaa ku dhawaaqday inay la wareegtay laacib kii kooxda Fulham ee dalka ingiriiska Adel Taarabt kadib markii laacib kaan uu kadagay maanta garoonka diyaaradaha maagaalada Milan si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda AC.Milan.

Kooxda ayaa boggeeda rasmiga ah ku shaacisay inay lasoo wareegeen Adel Taarabt isagoona u mari doona tijaabada caafimaadka sida lagu sheegay warka, waxaana lagu soo qoray” Laacibka ree Morocco Adel Taarabt ee 24 jir ka ah ayaa maanta soo gaaray magaalada Milan”.

“Adel Taarabt maanta ayuu mari doonaa tijaabada caafimaadka wuxuuna saxiixi doono heshiiska uu ugu soo biiraayo kooxda”.

 

 

AC.Milan ayaa kulasoo wareegtay laacib kaan qaab amaah ah oo awood u siinaya inay 8 milyan oo euro kula wareegi karaan xaggaaga hadii uu an faco ama uu soo jiito kooxda.

Adel Taarabt ayaa kusoo biiray kooxda Fulham isagoo kasoo dhaqaaqay kooxda QPR lakin hada waxay u muuqataa inuu xiisaaynaayo inuu ka ciyaaro horyaalka talyaaniga.