RASMI: Valencia Oo La Wareegtay Seydou Keita.

31/01/2014 02:43

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 30-January-2014

seydou-keita-a-ete-un-capitaine-exemplaire

Valencia ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay xiddigii hore ee Barcelona Seydou Keita kaasoo haatan u ciyaarayay kooxda ka dhisan horyaalka China ee Dalian Aerbin.

Heshiiska ay Valencia kula soo wareegtay 34 jirka khadka dhexe ee dalka Mali ayaa ku eg ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan sida ay ku dhawaaqday kooxda La Liga ka dhisan.

Kieta ayaa 2012kii ka tagay La Liga isagoo muddo shan sanno ah ka ciyaarayay horyaalka Spain una soo ciyaaray kooxaha Sevilla iyo Barcelona, waxaana uu haatan dib ugu soo laabtay Spain ka dib labo sanno uu ku qaatay China.

 

 

Valencia ayaa noqoneysa kooxdii todobaad ee uu Keita ku biiro tan iyo intii uu bilaabay xirfadiisa ciyaareed markaasoo uu kulankiisii ugu horeysay u saftay kooxda Marsille oo uu akadeemigeeda ka soo baxay.

Heshiiska uu haatan Seydou Keita ugu biiray Valencia ayaa waxaa ku xiran kaliya inuu maro tijaabada caafimaadka.