RASMI: Yohan Cabaye oo Si Toos ah Ugu Soobiiray kooxda PSG

30/01/2014 12:56

waxaa qoray:maslaxtaleexi


Paris Saint-Germain ayaa dhameystirtay heshiiska ay kula wareegeysay xiddiga qadka dhexe Yohan Cabaye oo lacag aan la cayimin uga soo biiray kooxda Newcastle United.

28 jirka heerka caalami ee dalka France ayaa qandaraas seddax sano iyo bar ah qalinka ugu duugay kooxda heysata horyaalnimada Ligue 1.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la fahamsan yahay inay PSG ku dhowaad 20 milyan oo ginni Cabaye uga soo iibsatay Magpies iyadoo lala xiriirinaayey kooxaha Arsenal iyo Manchester United.

Cabaye ayaa Newcastle uga soo biiray kooxda ka dhisan dalkiisa ee Lille sanadkii 2011kii.