Sababta keentay Nani in uu ku biiri waayo Juvantus oo la ogaaday

04/02/2014 01:15

waxaa qoray:maslaxtaleexi
Nani

Kooxda ka dhisan Magaalada Manchester ee United ayaa banaanka soo dhigtay sababtii keentay in Luis Nani habeenkii ugu danbeeyay suuqa in uu ku biiri wayay Juvantus

Man Utd ayaa sheegtay in xidiga Nani uu ahaa Mid dhaawac qaba taasina ay keentay in Juvantus ay iska diido in ay amaah ku qaadato xidiga.

Luis Nani ayaa dhaawaciisa hada banaanka la keenay waxaana xidiga la ogaaday in uu qabo dhaawac yar.

Kooxda ka dhisan Magaalada Turin ee Bianconeri ayaa hada laga yaaba xagaaga danbe in ay dib u soo dalbayo xidigaa.