Santos Iyo DIS Oo Ku Fekeraya Inay Barcelona Ku Dacweeyaan FIFA.

31/01/2014 05:47

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 30-January-2014

1391025533_011997_1391025780_noticia_grande

Qalqalka uu Barcelona geliyay heshiiskii ay kula soo wareegeen Neymar ayaan weli dhamaanin. Wixii ka bilowday isbuucyo yar ka hor Barcelona ayaa haatan yimid Santos waxaana ay mar kale gelgeleysaa Barcelona.

Kulanka isbuuclaha ee madaxda Santos oo ay yeesheen arbacadii shalayto ayaa madaxda kooxda ay isku soo qaadeen inay cabasho rasmi ah u gudbiyaan FIFA oo ka dhan ah Barcelona oo aadan saxiixa Neymar.

Wargeyska AS ee ka soo baxa Madrid ayaa ogaaday in kooxda reer Brazil ay careysan tahay in Barca ay wadahadalo la gashay aabaha dhalay Neymar 2011kii iyadoo aysan kooxda reer Brazil ka warqabin taasoo keentay in Neymar aabihiis uu wadahadalaas ku helo 10 milyan euros.

 

 

Ka dib markii madaxda kooxda Santos ay kulmeen, Odillo Rodrigues oo ah madaxweynaha kooxda ayaa u sheegay idaacada Jovem Pan inuusan marnaba saxiixin dukumiinti cadeynaya in wakiilada ciyaaryahanka iyo Barcelona ay wadahadli karaan.

Santos ayaana dooneynin inay kaligeed u safraan xarunta FIFA ee Zurich, waxaana kooxda FIFA u raacay shirkada DIS kuwaasoo iska lahaa boqolkiiba 40 xuquuqda ciyaaryahanka, waxaana ay Barcelona ku dacweynayaan inay xuquuqdooda siisay dad kale.

Talaabadan ayaana ah mid ay Barca ciqaab ku muteysan karto sidaasi darteed waxa ay doonayaan inay DIS siiyaan 8 milyan euros oo magdhow ah, si kastaba shirkada ayaa dooneysa 20 milyan euros.