Sergio Aguero Oo Laga Yaabo Inuu Seego Kulanka Barca Iyo City Oo Ku Dhow Inay La Soo Wareegto Mangala.

30/01/2014 22:31

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 30-January-2014

 


Sergio Aguero ayaa garoonka dhawac looga saaray ciyaartii ay kooxdiisa xasuuqday tottenham Ee ka dhacday White Hart Line iyadoo xiddigan isla markiiba baaritaan lagu sameyay la xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka Chelsea iyo Barca.

Xiddiga reer Argeintine ayaa dareemay in uusan dhameysan karin qeybta hore Ee ciyaarta waxana badal loo taagay daiiqadii 43 lakiin si dhab ah looma xaqiijin mudada uu maqnan doono laacibkan iyadoo maanta la sugayo in baaritaano caafimaad lagu sameeyo waxan laga cabsi qabi inuu seego kulanka Barca Ee Champions League la ciyaari doono 18 February.

 

 

Dhanka kale Man City ayaa ku dhow inay la soo wareegto Eliaquim Mangala Ee u ciyaara Porto,warar hoose ayaa sheegaya in Man City ay u gudbisay Porto dalab ay ku doonesyo Mangala aduun lacageed gaaraya 38 milyan Euro si ay ula soo wareegto daafacan Bishan January.

Man United ayaa xiiseyneysay xiddigan lakiin City ayay u muuqata inay xiddigan lasoo wareegi rabto kadib markii ay dalab rasmi ah ka gudbisay lakin warbixinta ayaa intaa ku dareysa in heshiiska lagula soo wareegayo Mangala ayaa laga yaaba in dib loo dhigo oo uu xiddigan Etihad yimaado marka uu soo gabgaboobo World Cupka lagu qaban rabo Brazil.