Sherwood Oo Isdhiibay: Man City Ayaa Ku Guuleysaneysa Horyaalka, Waxa Ay Ka Yimaadeen Adduunyo Kale.

30/01/2014 22:14

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 30-January-2014

Capture

Tim Sherwood ayaa arkay Manchester City oo kooxdiisa kala dhantaashay islamarkaana hogaanka horyaalka qabatay: “Waxa ay ka yimaadeen adduunyo kale.”

Tababaraha Tottenham ayaa sheegay in kooxda Manuel Pellegrini ay ku kooleysan tahay horyaalka Premier League.

Spurs ayaa si muran ku jiro casaan looga siiyay Danny Rose daqiiqadii 49aad.

Laakii Sherwood ayaa yiri: “Waa inaad gacmaha kor u taagtaa oo aad isdhiibtaa. Xitaa ka hor casaanka, City shaqo fiican ayay ku qabatay garoonka.

“Waxa ay kaaga imaanayaan xagal kasta, kooxdaan ayaana ah kooxda ugu fiican horyaalka. Waxa ay ka yimaadeen meere kale.”

 

 

City ayaa hogaanka horyaalka ku heysa hal dhibic ka dib shan gool ay dhaliyeen taasoo ka dhigeysa inay xilli ciyaareedkan dhaliyeen 115 gool.

Sherwood ayaa hadalkiisa raaciyay: “Aniga feker ahaanteyda, iyaga ayaa ah kooxda horyaalka hananeysa. Nasiibdarro waxaa ku ah koox walba ay la ciyaaraan inaysan City ku joogsanin kaliya hal gool.

“Maanta oo dhan waa ay soo socdaan, haddii ay jirto koox ku guuleysaneysa horyaalka, waa inay noqoto kooxdaan oo kale sababtoo ah dadka ay madadaaliyaan.

“Seef ayay ku marinayaan, waana sidaas inay ahaato in loo ciyaaro kubada cagta.”