deg-deg : Tababarihii Xulka Spain U Qaaday Euro 2008 Oo Geeriyooday.

02/02/2014 00:54

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 01-February-2014

Luis-Aragones-tiene-ganas-de-v_53995920806_54115221152_960_640

Tababarihii hore ee xulak Spain Luis Aragones ayaa ku geeriyooday xarun caafimaad oo ku taala Madrid, sida uu xaqiijiyay Dhakhtar Pedro Guillen.

Luis Aragones ahaa tababarihii Spain ku hogaamiyay Koobkii Euro 2008, waxaana uu geeriyooday isagoo ku jira da’da 75 sanno.

Aragonés ayaa inta badan xirafadiisa ciyaareed ee ciyaaryahan ahaan iyo tababare ahaan ku qaatay Atletico Madrid. Waxa uu ahaa xiddig sarre oo kooxda ka muuqda ka dibna waxa uu ahaa tababarihii guulaha ku hogaamiyay Atletico 1960meyadii iyo horaantii 70meeyadii.

Kooxdaas wacdaradaha dhigtay ee Atletico waxa ay afar jeer ku guuleysteen La Liga, waxa ay gaareen finalka European Cup waxaana ay ku guuleysteen Intercontinental Cup.

Intii u dhaxeysay 1964 iyo 1974 waxa uu u ciyaaray Atletico 265 kulan oo La Liga ah isagoo u dhaliyay 123 gool. Aragonés ayaana tababare ka noqday kooxda afar jeer oo kala duwan.

Waxa uu sidoo kale u soo ciyaaray dhowr kooxeed kale oo laga xusi karo Real Betis, waxaana uu 11 kulan u saftay xulka Spain isagoo u dhaliyay seddex gool.

Marka laga soo tago Atletico waxa uu sidoo kale macalin u soo noqday todoba koox kale oo La Liga ka dhisan iyo sidoo kale xulka qaranka Spain oo uu ku hogaamiyay koobkoodii labaad ee qaramada Yurub 2008dii.

Ka dib waxa uu tababare ka noqday kooxda Turkiga ee Fenerbahce, waana markii ugu horeysay ee uu Aragones macalin ka noqdo meel ka baxsan Spain.