United, City, Chelsea, Arsenal & Liverpool Oo Xagaaga Ku Dagaalami Doona Saxiixa Toni Kroos.

04/02/2014 00:51

Waxaa Qoray:maslaxtaleexi

Taariikh: 04-February-2014

article-2550853-1B2BAE8300000578-933_636x434

Diidmada uu Toni Kroos diiday yahay inuu qandaraas cusub u saxiixo Bayern Munich ayaa ka dhigtay in dhamaan kooxaha waa weyn ee Premier League inay 25 milyan ginni ku dagaal tagaan xagaaga, sida ay qortay Daily Mail.

Madaxda Bayern Munich ayaa diidan dalabka Kroos ah in loo laba jibaaro mushaharkiisa haatan ee uu ku qaato isbuucii in ka badan 60 kun ginni, waxaana uu ku doonayaa ku dhawaad 150 kun ginni isbuucaan, waxaana loo sheegay in wadahadal qandaraas cusbooneysiinta inay hakad ku jiri doonto ilaa iyo uu ka soo dabco dalabkiisa mushahar.

24 jirkaan khadka dhexe ayaa xitaa kursiga keydka loo dhaadhiciyay markii ugu horeysay muddo labo bilood ah axadii, waxaana ay taasi sii kicineysaa xiisada kala dhaxeysa madaxda Allainz Arena iyadoo kooxaha waa weyn ee Premier League ay dhegta u taagan tahay.

 

 

Daily Mail ay sheegeysa in isbuuc ka hor uu tababaraha United David Moyes ah midkii ugu horeeyay ee jawaab ka bixiya hubanti la’aanta mustaqbalka Kroos ee Bayern Munich isagoo daawaday ciyaaryahanka kulankii ay Bayern la ciyaareysay Borussia Monchengladbach waxaana uu la kulmay wakiilka ciyaaryahanka.

Waxaana ay u muuqataa hubanti in kooxaha kale ee Manchester City, Chelsea, Arsenal iyo xitaa Liverpool inay xagaaga shaacin doonaan xiisahooda 24 jirkaan reer Jarmal haddii uusan heshiis la gaarin kooxdiisa haatan ee heysata Champions League.