Van Persie Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Laabanaya Arsenal Iyo Wararka Kale Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta.

02/02/2014 02:41

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 02-February-2014

 

Suuqa kala iibsiga waxa uu soo xirmay jimcihii laakiin wargeysyada Ingariiska kama daalaan inay ka hadlaan wararka xanta ee ciyaartoyda la xiriiriya meel kale, waxaana durbaba ay bilaabeen inay ka hadlaan suuqa kala iibsiga xagaaga oo furmi doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Hadaba waxaan maalin walba idiin soo uruurin doonaa wararka xanta ay qoreen, iyadoo maanta warka ugu weyn ay qortay Dialy Mail taasoo sheeganeysa in Van Persie laga yaabo inuu ku laabto Arsenal.

—-

Iyadoo David Moyes uu qorsheynayo inuu isbedel weyn ku sameeyo kooxdiisa marka xilli ciyaareedkan uu dhamaado, Robin van Persie ayaa laga yaabaa inuu si lama filaan ah ugu laabto Arsenal, sidaasi waxaa qortay Daily Mail maanta.

In Van Persie la iibiyo waxa ay ku xiran tahay mustaqbalka Rooney ee kooxda, haddii Rooney uu saxiixo heshiis cusub markaas Moyes waxaa laga yaabaa inuu lacag ku raadsado Van Persie oo ah ciyaaryahan uu kala dhaxeeyo xiriir aan wanaagsaneyn, ayay qortay Daily Mail.

Waxaa taas sii dheer Van Persie iyo qoyskiisa waxa ay ku guuldareysteen inay saldhigtaan nolosha Cheshire, waxaana ay soo dhaweyn karaan inay dib ugu laabtaan London. 30 jirkaan ayaana lagu heli karaa 15 milyan ginni sida ay leedahay The Mail.

Wararka kale ee wargeysyada Ingariiska qoreen maanta:

Frank Lampard ayaa loo bandhigi doonaa heshiis cusub uu ku sii joogo Chelsea laakiin John Terry iyo Ashley Cole ayaa laga yaabaa inaysan nasiibkaas yeelanin. (Sunday Mirror)

Jose Cole ayaa laga yaabaa inuu xagaaga ku biiro koox ka dhisan horyaalka Mareykanka ee MLS heshiis lacag qaali ah ay ku bixi doonto. (Sunday Mirror)

Lacagtii magdhowga aheyd ee uu Roberto Mancini ka qaatay Manchester City markii la ceyriyay ayaa lagu sheegay 10 milyan ginni, waana lacagtii ugu badneyd ee tababare la ceyriyo la siiyo taariikhda kubada cagta Britian. (Sunday Mirror)

Manchester United ayaa kula biireysa xagaaga Man City tartanka saxiixa daafaca Porto Eliaquim Mangala, inkastoo lacagta la duldhigay ay tahay 35 milyan ginni. (Sunday People)

Barcelona ayaa qorsheyneysa inay xagaaga Manchester City ka soo kaxeysato David Silva iyagoo u arka inuu bedel u yahay Xavi. (Sunday People)

Ross Barkley ayaa ku dhow inuu saxiixo heshiis cusub uu ku sii joogayo Everton taasoo ka dhigi doonta in si weyn sarre loogu qaado mushaharkiisa.

Gunners ayaa ka fiirsaneysa inay saxiixa cusub Kim Kallstrom dib ugu celiso Spartak Moscow ka dib markii ay ogaadeen inuu dhaawac qabo. (Sun on Sunday)

Kooxda Ruushka Rubin Kazan ayaa laga yaabaa inay la wareegto weeraryahanka Newcastle Papiss Cisse sababtoo ah weli suuqooda kala iibsiga ma xirmin. (Sun on Sunday)

West Brom ayaa laga yaabaa inay la soo wareegto si xor ah xiddigii hore ee Liverpool Albert Riera kaasoo ka tagay Galatasaray. (Sun on Sunday