weeraryahanka dishibliin Dani Osvalo Oo Ku Sii Jeeda Juventus.

31/01/2014 00:38

waxaa qoray:maslaxtaleexi

Taariikh: 31-January-2014

1099909-17448363-640-360

Weeraryahanka dishibiliin xumida ay heyso ee Southampton Dani Osvaldo ayaa ku dhow inuu ku biiro kooxda hogaanka u heysa Serie A ee Juventus isagoo ugu biiray heshiis amaah ah ka dib lix bilood uu joogay Premier League, sida ay sheegayeen xalayto saxaafada Talyaaniga.

Gazzetta dello Sport ayaa sheegeysa in weeraryahanka Talyaaniga oo noqday rikoorka saxiix ee Southampton markii ay 15 milyan ginni kala soo wareegeen AS Roma bishii August ayaa amaah lagu diri doonaa isagoo maanta tijaabada caafimaadka ku maraya Turin.

 

 

Juve oo ay tahay inay bixiso 400 kun euro heshiiskaan amaahda ah ayaa qiyaar loo siin doonaa inay 28 jirkaan ku iibsadaan si joogta ah 18 milyan euro ama 14 milyan ginni sida Gazzetta ay sheegeyso. Sky Sporta ayaa sidoo kale sheegeysa in heshiiska qarka loo saaran yahay.

Osvaldo ayaa ganaax ah waqtigaan ka dib markii uu khamiistii hore garoonka tababarka kula dagaalay saaxiibkiisa koxoda Jose Fonte.