Brendan Rodgers: Liverpool Ma Ahan Kaliya Luis Suarez Iyo Daniel Sturridge”.

Brendan Rodgers: Liverpool Ma Ahan Kaliya Luis Suarez Iyo Daniel Sturridge”.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 06-February-2014

Daniel-Sturridge-and-Luis-Suarez-Liverpool_3017155

Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa sheegay in kooxdiisa aysan ahayn kaliya Luis Suarez iyo Daniel Sturridge laakiin ay jiraan ciyaartoyd badan kuwaas oo kooxda ka caawiya inay soo ban dhigaan qaab ciyaareed wanaagsan iyo inya gaaraan guulo muhiim u ah kooxda.

“Waxaan u arkaa in Luis Suarez iyo Daniel Sturridge ay ka mid yihiin ciyaartoyda ugu xirfada fiican ee ka ciyaara adduunka, wax badan ayeey kusoo kor dhiyaan kooxda, wax badan ayeeyna ka caawiyaan kooxda” ayuu u sheegay Web-ka rasmiga ah ee kooxda Liverpool.

 

 

“Laakiin waxaa haboon inaan iraahdo Liverpool ma ahan kaliya Luis Suarez iyo Daniel Sturridge laakiin waxaa jira laacibiin kale oo muhiim u ah kooxda”.

Hadalka Rodgers ayaa kusoo beegmaya iyadoo kooxda Liverpool ay marti qaadi doonto kooxda Arsenal sabtiga kulan ka tirsan kulamada 25 ee horyaalka ingiriiska, ciyaarta ayaana ka bilaaban doonta garoonka Anfield 3:45 saacada geeska afrika.