Cesc Fabregas: Waan Sugi La,ahay Inaan Arko Arsenal Oo Ku Guulaysanaysa Horyaalka”

Cesc Fabregas: Waan Sugi La,ahay Inaan Arko Arsenal Oo Ku Guulaysanaysa Horyaalka”

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 06-February-2014

fabregas

Laacib kii hore ee kooxda Arsenal hatana u ciyaara kooxda Barcelona ee dalka Spain Cesc Fabregas ayaa sheegay inuu aad ugu farxi lahaa hadii ay Arsenal ku guulaysato horyaalka ingiriiska xili ciyaareed kaan, maadaama kooxda aysan koob ku guulaysan ku dhawaad 9 sano oo xiriir ah.

“Waan daawaday dhamaan kulamadii ay Arsenal ciyaartay xili ciyaareed kaan, aad ayaan ugu faraxsanahay qaab ciyaareed kooda, waxay haystaan Line Up cajiib ah, waxayna hada hogaanka u hayaan horyaalka” ayuu u sheegay Wargayska Daily Mail.

“Ma sugi karo inta uu ka dhamaanaayo xili ciyaareed kaan si aan u arko Arsenal oo hananaysa horyaalka, dhabtii waxay ahaan doontaa wax cajiib ah inay ku guulaystaan horyaalka laakiin waa inay gacmaha is qabsadaan hada ka bilow ilaa dhamaadka xili ciyaareed ka si ay u ilaashadaan hogaan kooda horyaalka”.

 

 

Xili ciyaareed kii 2007/2008 ayeey Arsenal hogaanka u haysay horyaalka ilaa March 2008 laakiin kadib hoos u dhac kuyimid awgeed ayeey u waayeen horyaalka iyadoo Man United ay noqotay kooxdii ku guulaysatay horyaalka xili ciyaareed kaas.

Fabregas ayaana ka rajeeyay ciyaartoyda Arsenal inaysan samayn wixii dhacay xili ciyaareed kaas ookale markaas oo ay awoodi waayeen inay ilaashadaan hogaankii aysoo hayeen in kabadan 5 bil taas oo keentay inay galaan booska 4aad ugu danbayntii.