Franz Beckenbauer Oo Dhaliilay In Guardiola Uu U Adeegsado Mario Gotze Weeraryahan.

Franz Beckenbauer Oo Dhaliilay In Guardiola Uu U Adeegsado Mario Gotze Weeraryahan.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 06-February-2014

Gotze

Halyayga kooxda Bayern Munich ahna madax sharafeedka kooxda Bayern Munich Franz Beckenbauer ayaa dhaliilay qaabka uu u adeegsado Pep Guardiola laacib kii hore ee kooxda Brusia Dortmund Mario Gotze isagoo sheegay in Gotze uu ciyaari karo boos kasta laakiin ay haboon tahay in la ciyaarsiiyo booskiisa saxda ah si aan loo baabi,in xirfadii uu kusoo caanka baxay ee ah kubad qaybiye.

“Ma arko sabab loogu qanci karo in Guardiola uu u adeegsado Gotze weerar yahan mararka qaar”.

 

 

“Guardiola wuxuu sidaas ku dhuminayaa xirfada Gotze, dhabtii Gotze wuu awoodaa inuu ciyaaro boosas badan laakiin waxaan aaminsanahay  in ka ciyaaristiisa booska kubad sameeyaha ay tahay mid uu kusoo muuqan karo wax qabadkiisa”.

Pep Guardiola ayaa u adeegsaday booska weerarka laacib kaan ree Germany ee Mari Gotze kaas oo u dhaliyay kooxdiisa 6 gool 14 kulan oo uu usaftay kooxdiisa xili ciyaareed kaan, laakiin lama oga waxa uu ka yeeli doono Guardiola dhaliisha uu u soo jeediyay madax sharafeed ka kooxda Bayern Munich Franz Beckenbauer.