Garsoore Gamez Oo Bedelay Sababtii Uu Casaanka Ku Siiyay Cristiano Ronaldo.

Garsoore Gamez Oo Bedelay Sababtii Uu Casaanka Ku Siiyay Cristiano Ronaldo.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 05-February-2014

ronaldo-red490ai

Garsoore Miguel Ayza Gamez ayaa lagu eedeeyay inuu bedelay sababtii uu casaanka ku siiyay Cristiano Ronaldo axadii.

Jariirada Marca ayaa warineysa in Gamez uu u sheegay xiriirka kubada cagta Spain in casaankii uu siiyay weeraryahanka Real Madrid inay ugu wacneyd dhacdadii ciyaaryahanka Athletic Bilbao ee Ander Iturraspe ee ma aheyn gacantii uu u Carlos Gurpegi.

Gamez ayaa markii hore u sheegayay garsoorayaashii la shaqeynayay in casaankii uu siiyay Ronaldo inay ugu wacneyd gacantii uu u qaaday Gurpegi laakiin waa uu bedelay sheekadiisa.

Madrid ayaa la fahamsan yahay inay ka xanaaqsan tahay sababta casaan oo la bedelay, waxaana la filayaa inay racfaan ka qaataan kaarka casaanka ah. Waxaana ay heystaan ilaa subaxnimada saaka inay racfaankooda si rasmi ah u gudbiyaan.

 

 

Ka dib markii Ronaldo ay isku dhaceen Gurpegi waxa ay sidoo kale isku dhaceen Iturraspe, iyadoo ciyaaryahanka Atheltic uu isaga laftiisa dhacdadaas ku qaatay jaale.

Madrid ayaa racfaankeeda u cuskaneysa qaladka uu garsooraha ku sameeyay warbixintiisa iyo laba wajiileninada ah inuu casaan siiyay Ronaldo laakiin uu kaliya jaale siiyay Iturraspe.

Kooxda ayaa sidoo kale ku doodi doonta in tilmaamtii uu sameeyay Ronaldo markii uu garoonka ka baxayay inuusan ku wadin garsooraha afaraad, kaasoo la sheegay inuusanba xitaa fiirineynin jihada Ronaldo.