Hordhaca: Livepool V Arsenal Iyo Arsenal Oo Halgan U Galeysa Guushoodii Seddexad Oo Xariir ah.

Hordhaca: Livepool V Arsenal Iyo Arsenal Oo Halgan U Galeysa Guushoodii Seddexad Oo Xariir ah.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 08-February-2014

liverpool-vs-arsenal-preview

Hogaamiyaasha Premeir league Ee Arsenal ayaa Maanta u baqoolaya kooxda Liverpool ciyaar ka tirsan wareega 25-aad Ee EPL.

Kulankan oo ka dhici doona garoonka Anfield waxa uu soo dhici doona 03:45 galabnimo bariga afrika waxana dhex dhexadin doona Michael Oliver.

Brenden Rodgers ayaa weyn doono daafacyadisa intoda badan oo ay hor kacayan Agger, Johnson, iyo Sakho sido kale waxa ka maqan Coates iyo Enrique halka Luces Leiva dhawac soo gaaray uu garomada kaga maqan yahay mudo labba bil ah.

Dhanka Arsene Wenger waxa ka maqan Ramsey, Kallastrom, Wallcott, iyo Diaby, halka Flamini uu ganaax ku maqan yahay sido kale Wilshere ayaa shaki la galinaya inuu ciyaari karo Kulankan.

Xaqiiqoyinka iyo Taariikhda Kulankan:

Liverpool ayaan laga badin shantii kulan ee ugu danbeesay oo ay dheeshay Premier League.

Liverpool ayaa badisay kaliya hal jeer 13-kii kulan ee ugu dambeeyay oo dhexmaray iyaga iyo Arsenal halka Gunners ay badiyeen shan jeer iyagoo barbaro galay 7 kulan.

Liverpool kama badin Arsenal lixdii kulan Ee ugu dambeysay oo lagu ciyaaro Anfield seddex barbaro ayay galeen seddexna waa laga badiyay.

Waxaa ugu dambeysay iney Arsenal ugu badiyaan garoonkooda March 2007-dii markaas oo ay 4-1 uga badiyeen.

Liverpool ayaan gurigooda Anfield looga badin tobban kulan oo ugu dambeyay ay ku ciyaaren garoonkoda 9 jeer waa ay badiyeen halka 1 kaliya ay barbaro galeen.

Liverpool ayaa sameysay qalaadad ka badan kooxaha kale Ee EPL ayagoo sameyay 29 qalad oo gool looga dhalin Karay.

Suarez iyo Sturridge oo iminka ah labadda lamaane Ee weerarka kuwoda ugu halis san ayay kooxaha EPL dhan daba mareen balse Arsenal waa kooxda kaliya Ee celisay SAS.

Arsenal ayaa badisay lix jeer toddobadii kulan ugu dambeyay oo ay Premier League ciyaarto halka 1 kulan ay barbaro gashay.

 

 

Arsenal ayaa badisay badisay labaddi kulan ee ugu dambeyay oo ay booqdaan Anfeild halka Emirates hal mar ay ku badiyeen marna barbaro ayay wada galeen.

Goolhayaha Arsenal Szczesny ayaa goolkisa ilaasahaday 11 kulan oo EPL wana rikoor aysan heysan goolhayayasha kooxaha kale Ee Premier League.

Arsenal waxaa ugu goolal badan Giroud oo dhaliyay 14 goal halka Liverpool uu ugu goolal badanyahay Suarez oo dhaliyay 23 goal.

Ciyaartoyda Livepool iyo Arsenal inta hat-trick ay dhaliyeen wadar ahaan waa in ka badan kooxaha kale Ee Premier League iyagoo dhaliyay 34 goal oo hat-trick ah.

Shantii kulan Ee ugu dambesay ay kooxahan wada ciyaareen:

Premier League: Nov-2-2013 Arsenal 2-0 Liverpool.

Premier League: Jan-30-2013 Arsenal 2-2 Liverpool.

Premier League:  Sep-2-2012 Liverpool 0-2 Arsenal.

Premier League: Mar-3-2012 Liverpool 1-2 Arsenal.

Premier League: Aug-20-2011 Arsenal 0-2 Liverpool.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Liverpool : Mignolet; Flanagan, Skrtel, Toure, Cissokho; Gerrard; Sterling, Coutinho,Henderson,Sturridge ; Suarez.

Arsenal : Szczesny; Sagna, Mertsakcker, Koscilney, Monreal; Arteta, Wilshere; Caorla, Ozil,Chamberlain; Giroud.