Kevin-Prince Boateng: Dhibaatada Ay Milan Ku Jirto Waxa Ay Iga Keentaa Inaan Ooyo.

Kevin-Prince Boateng: Dhibaatada Ay Milan Ku Jirto Waxa Ay Iga Keentaa Inaan Ooyo.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 05-February-2014

365001_heroa

Kevin-Prince Boateng ayaa qirtay in qaabkii uu uga tagay AC Milan inay weli u tahay boog furan, waxaana uu sheegay in xaalada adag ee ay kooxda ku jirto inay ka keento ilin.

Xiddiga reer Ghana ayaa si lama filaan ah uga tagay San Siro xagaagii hore laakiin weli waxa uu taageere weyn u yahay Rossoneri, isagoo sheegay inay xanuunjiso inuu arko kooxdiisii hore oo kaalinta 10aad kaga jirta horyaalka Serie A.

“Milan waxa ay weli ii tahay dhaawac furan” ayuu kubadsameeyaha Schalke u sheegay Chi.

“Kulamadooda oo dhan waxaan ka daawadaa TV-ga, waxaana ay iga keentaa ilin inaan arko booska ay uga jiraan kala sareynta.

 

 

“Fariin nasiib wanaag ah ayaa u diray macalinka cusub Seedorf, waxaana weli xiriirnaa qaar ka mid ah asxaabteydii hore ee kooxda.”

Boaten ayaase kalsooni ku qaba in Seedorf uu dhanka kale u rogi doono xilli ciyaareedkan Milan, madaama uu kooxda weli joogo Mario Balotelli oo uu amaanay.

“Balotelli waa nin xoogan marka uu ugu danbeyn ogaado awoodiisa waxa uu noqon doonaa xiddiga adduunka ugu fiican” ayuu yiri KPB.