Kooxda Isbuuca Premier League: Hazard Oo Ka Dhex Muuqda Line-up Ay U Badan Tahay Liverpool.

Kooxda Isbuuca Premier League: Hazard Oo Ka Dhex Muuqda Line-up Ay U Badan Tahay Liverpool.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 10-February-2014

Capture

Kulamadii isbuucaan la ciyaaray waxaa bilow u ahaa kulan cajiib ah oo ka dhacay Anfield halkaasooLiverpool ay 5-1 ku xaaqday Arsenal, sidaasi darteed la yaab ma ahan in Reds ay ciyaartoyda ugu badan ku leedahay line-upka kooxda ugu fiicneyd sibuucaan horyaalka Premier League ee qiimeynta shabakada Goal.com

Simon Mignolet wax shaqo badan ma uusan qabanin kulankii Gunners, sidaasi darteed goolhayaha isbuuca ee Maarten Stekelenburg kaasoo fursado fantastik ah badbaadiyay kulankii ay Fulham barbaraha 2-2 la gashay Manchester United xalayto.

Labo ciyaaryahan oo Liverpool ayaa daafaca ka soo galay line-upkaan ay sameysay Goal.com, waana Joh Flanagan iyo Martin Skrtel oo daafaca midig iyo daafaca dhexe ku kala jira. Flanagan ayaa ahaa mid adag daafac ahaan islamarkaana soo bandhigay inuu il fiican u leeyahay baasas qatar ah marka uu weerar aadayo, halka Skrtel uu labo gool dhaliyay kulankii Anfield.

Daafaca Fulham Dan Burn ayaa kula wehliya Skrtel daafaca dhexe isagoo ka caawiyay Fulham inay u babac dhigto 81 karoos oo ay Man United ku sameysay xalayto Old Trafford.

Joe Ledley ayaana dhameystira daafaca. Inkastoo uu taakalada qaarkood la soo daahay, hadana waxa uu ka ciyaarayay boos aan booskiisa aheyn oo ah daafaca bidix laakiin waxa uu ku guuleystay inuu shabaqa soo taabto kulankiisii ugu horeysay ee Crystal Palace.

Dhanka khadka dhexe Steve Sidwell ayaa ku jira isagoo fure u ahaa in Fulham ay barbaro 2-2 ku qabato Man United. Waxaana uu booskiisa khadka dhexe ku helay ka dib markii uu dhaliyay goolka furitaanka islamarkaana uu qeyb ka ciyaaray goolkii barbaraha ee Darren Bent.

 

 

Sidwell waxa uu booska burburiyaha ee khadka dhexe kula biirayaa Steven Gerrard. Kabtanka Liverpool ayaa looga sarre joogsaday Anfield markii la bedelay daqiiqadii 75aad ka dib markii uu soo bandhigay mid ka mid ah qaab ciyaareedyadiisii ugu fiicneyd inkastoo uu rigoore galay.

Dhanka seddexda kubadsameeye waxaa hogaaminaya xiddiga Chelsea Eden Hazard. Xiddiga reer Belgium ayaa dhaliyay seddexleydiisii ugu horeysay ee Chelsea kulankii ay ka horyimaadeen Newcastle isagoo mar kale soo bandhigay qaab ciyaareed indhoqabad leh.

Tom Ince ayaa kulankiisii ugu horeysay labo gool u dhaliyay Crystal Palce kulankii ay la ciyaarayeen West Brom. Waxaana booska kubadsameeyayaasha dhameystira xiddiga Liverpool Raheem Sterling kaasoo labo gool ku dhaliyay Anfield islamarkaana laf dhuungashay ku noqday Arsenal.

Luis Suarez ayaa markii sideedaad ka soo muuqanaya kooxda isbuuca ee Goal.com. Xiddiga reer Uruguay shabaqa ma uusan soo taaban kulankii Arsenal laakiin hal abuuristiisa iyo qaba ciyaareedkiisa ayaa ka caawisay Liverpool inay guul weyn ka gaaraan Arsenal.

Sidee kula tahay kooxda isbuuca Premier League ee qiimeynta Goal.com?