Laacaibkii hore ee kooxda Muqdisho Axmed cabaas busuri oo 25 sano kadib si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka Banaadir+Sawiro

Laacaibkii hore ee kooxda Muqdisho Axmed cabaas busuri oo 25 sano kadib si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka Banaadir+Sawiro

waxaa qoray :maslaxtaleexi
ac10

Xidigii hore xulka qaranka dalka soomaaliya iyo Naadigii Menecipia Axmed cabaas  Busuri  ayaa shalay si wayn wayn loogu soo dhaweeyay garoonka  Kubadda Cagta   Banaadir (EX koonis ) iyadoona ay goobjoog u ahaayeen kumaan kun dadwayne oo isugu  jira  taageerayaal Madaxda Xirirada Guddiga olombikada  iyo ciyaartoydii hore ee  Isboorta dalka  Nuucyadiisa kala duwan.

Axmed Cabaas Busuri  oo ka mid ahaa laacibiinta farakutirska ahaa  ee soo Maray  Xulka Qaranka iyo Kooxdii Muqdisho ayaa ka qayb galay daawashada  kulan ciyaareed u dhaxeeyay kooxaha Heegan iyo  Horseed oo ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee kubadda cagta dalka,  isagoo ay ka muuqatay  farxad aan lasoo koobi karin oo ku aadan  in uu arko 25 sano kadib  bahda  isboortiga oo siwayn ugu soo  dhaweysay garoonka banaadir.

Qabiir Isboorti  Xaji Max’e  Axmed Colow   oo ka mid ahaa  ciyaartoydii lagu bilaabay  kooxda Muqdisho    ayaa ka sheekeeyay  taariikha da waxunua xusay in kooxda Menecipia la  aasaayay 13/02/1963 ayna ka koobaanyeen13 ciyaaryahan,  basle xiligii Axmed Cabaas uu u ciyaarayay kooxda Ay ahayd xiligii ugu ficnaa.

Macali Max’ed Cabdulle Farayae  oo Kooxda Muqdisho  ka soo wada ciyaareen ayaa tilmaamay in Axmed Cabaas uu  heer kasta ku wanaagsanaa  ,sidoo kale farayare waxuu tilmaamay in uu isagu  yahay   Ciyaaryahanki  ugu horeeyay ee dalka dibadiisa  sedex gool ku soo dhaliya lkn sedexda goolka uu ku caawiyay Axmed cabaas  taasna ay tahay waxtarkiisa qayb ka mid ah.

Axmed Cabaas Busuri ayaa  ayaa u mahad celiyay taageerayasha garoonka ku sugnaa  Madaxda Xiriirada Ciyaartoydii hore  waxuuna sheegay in uu  ku dhiiri gelinayay in isboortiga hormarkiisa laga shaqeeyo, inta uu lahdlayay taageerayaasha ayaa u istaagay  sacabna ku soo dahweeyay kuna sagootiyay .

Taariikh nololeedkiisa isboorti oo kooban:

Axmed Cabaas Busuri waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Boondheere taariikhdu markay ahayd Febraury 29/1964kii..waxbarashadiisa dugsiga hoose iyo dhexe waxaa uu ku qaatay Yaasiin Cismaan,dugsiga sarena waxaa uu ku dhammaystay Sakhaawuddiin iyo macallin jaamac.

Ciyaaraha waxaa uu bilaabay isaga oo aad u da’yar oo uu aad u jeclaa Kubadda cagta…Dugsiga dhexe ee Yaasiin Cismaan ayuu u ciyaaray, sidoo kalena cayaarahii xaafadaha ee degmada Boondheere ayuu ka qaybgalay isaga oo u saftay kooxdiii la oran jiray Jeenyo.

1981 kii ayuu ka mid noqday 16 dhallinyaro yaryar oo uu barbaarinayay macallin Jarmal ahaa oo la oran jiray Klaus.kaasi oo uu si aad ah uga faa’iidaystay, waxaana arrintaasi uu uga mahadcelinayaa oo ka qaybgalka tababarkaasi sabab u ahaa nin la oran jiray Ismaaciil oo ku magac dheeraa “Aaciilka” kana shaqayn jiray Wasaaraddii Isboortiga.

Isla sannadkaasi waa 1981kii ayuu markii ugu horaysay u cayaaray kooxdii K/cagta heerka 2aad ee naadigii Muqdisho,dabadeedna ciyaarihii gobolada ee caanka ahaa ayuu ka qaybgalay oo uu u saftay gobolka Banaadir,iyaga oo tartanka cayaarahaasi ka galay kaalinta 2aad oo kooxdii gobolka jubbada Hoose ay uga adkaadeen 1 iyo 0 cayaartoodii kama dambaysta ahayd.

1985kii ayaa loo magacaabay cayaaryahanadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana uu ka qaybgalay cayaaro caalami ah isaga oo la cayaaray waddamadii kala ahaa: Uganda, Ruwanda, Burundi. Zimbabwe,Kenya,Nayjeeriya iyo Sacuudiga.

1986kii waxaa Axmed Cabaas sanadkaasi loo aqoonsaday cayaaryahankii ugu wanaagsanaa “Best Player”.  kadib marki uu kooxiisa kula guulaystay horyaalka Dalka .

ac12 - Copyac16ac22ac23