Liverpool Oo Diyaar U Ah Inay 14 Milyan Pound Kula Soo Wareegto Gael Clichy.

Liverpool Oo Diyaar U Ah Inay 14 Milyan Pound Kula Soo Wareegto Gael Clichy.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 04-February-2014

Clichy v United

Liverpool ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegto xiddiga daafaca bidix ugu ciyaara Manchester City Ee Gael Clichy sido kale tababare Brenden Rodgers ayaa waayahan dambe isha la raacayay daafacan isagoo xalkiisa si gooni ah ula socday.

Daafaca bidix Ee xulka France iyo kooxda Man City ayaa wajahaya boos la’aan dhanka line-upka tababare Pellegreni oo inta badan ciyaarsiya Kolarov halka tababare Rodgers uu doonayo inuu xiddigan ku soo biiriyo Anfield.

Sida saxaafada ay daabaceen Clichy ayaa go’aansan doono inuu isaga tago City isagoo u arka Liverpool wadada kaliya oo uu kaga gudbi karo marxaladan si uu xulkisa uga mid noqdo sanadaha soo socda.

Brenden Rodgers ayaa doonaya in sanadkan Reds ay ka mid noqoto kooxaha ka qeyb galaya Champions League hadii aysan horyaalka ku guuleysan isagoo garomada ka doondoonaya xiddigo dhowr ah si uu kooxdisa ugu kaabo.

 

 

Gael Clich ayaa Manchester ku soo biiray July 2011 markaa oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda waqooyiga London ka dhisan Ee Arsenal xilliga wuxu ahaa mid asaasi ka ah kooxda lakiin xilli ciyaaredkan kaliya 11 kulan ayuu u ciyaaray kooxdisa Man City.

Liverpool ayaa la tacaaleysa dhibaatoyin dhanka daafaca ah iyadoo uu daafaca reer Spain Jose Enrique uu dhawacyo saxiib la noqday halka Aly Cissokho uu ku guuldareystay inuu booskas buuxiyo.

Man City ayaa doondooneysa daafaca da’da yar Ee Sevilla u ciyaara Alberto Moreno taa oo sababi karta in Clichy uu isaga dhaqaajiyo Etihad Stadium.