Luka Modric: Ganaaxa Cristiano Ronaldo Ma Ahan Cadaalad.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 06-February-2014

357821_heroa

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Luka Modric ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo si cadaalad darro ah loogu ciqaabay casaankii uu qaatay kulankii Athletic Bilbao.

Weeraryahanka reer Portugal ayaa garka loo geliyay ganaax seddex kulan ah ka dib markii casaan la siiyay isbuuc dhamaadkii, waxaana uu seegi doonaa kulamada horyaalka ee Villarreal, Getafe iyo Elche, taasoo uu ka xumaaday Modric.

 

 

“Ganaaxa Critsiano Ronaldo ma ahan mid cadaalad ah, sababtoo ah ma uusan sameynin wax qalad ah” ayuu ciyaaryahankii hore ee Tottenham u sheegay website-ka Real Madrid.

“Laakiin waxba kama sameyn karno arintaan. Waa inaan dhamaanteen shaqo badan qabaa marka uusan Cristiano ciyaareynin sababtoo ah waxa uu inoo yahay ciyaaryahan aad u muhim ah.”