Manuel Pellegrini Oo Markii Ugu Horeysay U Jawaabay Jose Mourinho.

Manuel Pellegrini Oo Markii Ugu Horeysay U Jawaabay Jose Mourinho.

Waxaa Qoray: MR ABIIB

Taariikh: 07-February-2014

 

Tababaraha Manchester City Manuel Pellegrini ayaa dib isaga weeraray Mourinho kaasoo dhawaan sheegtay in Chelsea ay tartanka horyaalka ka tahay sida faras yar oo kale.

Pellegrini ayaa meesha ka saaray arintaas, isagoo tilmaamay in Chelsea ay ka mid ah kooxaha lacagta ugu badan qarashgareeyay dhawaanahan.

Macalinka reer Chile ayaa yiri: “Malaha waa faras yar Chelsea haddii tababarahoodaba uu sidaas aaminsan yahay. Waxa ay noqon karaan faras yar laakiin aad ayay taajir u yihiin.

“Kooxdaan waa kooxdii qarashgareysay lacagta ugu badan 10kii sanno ee ugu danbeysay, waa kooxdii lacagta ugu badan qarashgareysay sannadkaan, waana kooxda lacagta ugu badan ku qarashgareysay suuqa kala iibsiga, sidaasi darteed waa koox yar laakiin taajir ah.”

Waa jawaab xoogan oo ka timid Pellegrini ka dib markii Mourinho uu dhawaanahan ka hadlayay in City ay ku xadgudubtay sharciga dhaqaale wanaaga Uefa.

Sidoo kale waa markii ugu horeysay uu Pellegrini u jawaabo Mourinho xilli ciyaareedkan iyadoo labada nin uu xiriirkooda xumaa tan iyo markii tababaraha reer Portugal uu Pellegrini ka bedelay Real Madrid sannadii 2010.

Isbuucyadii u danbeysay Pellegrini ayaa diidanaa inuu ciyaar maskaxeed la galo macalinka kooxda Stamford Bridge ka dhisan.

Pellegrini ayaa yiri: “Waxa uu soo bandhigay labadii kulan ee uu anaga naga horyimid inuu heysto koox xoogan oo ciyaartoyda qaar ay yihiin kuwa waa weyn.

“Waxaan qabaa inuu horyaalka isaga ugu cadcad yahay. Waxa uu ku fekerayaa haddii uu ku guuleysto horyaalka inuu amaanta oo dhan isaga heli doono haddii uu guuldareystana aysan isaga mas’uuliyadiisa aheyn.

“Waa sida uu u dhaqmo. Qof walba waxa uu u dhaqmaa in sida uu u fekerayo inay u fiican tahay kooxda.

“Waxaan qabaa in Chelsea iyo Arsenal ay ku dhow yihiin horyaalka. Arsenal ayaa ugu cadcad madaama ay labo dhibcood hogaanka ku hayaan.

“24kii kulan ee aan ciyaarnay, Arsenal waxa ay hogaanka heysay 16 ama 17 ka mid ah. Waxa ay heystaan faa’ido muhim ah.

“Waan hubaa in seddexda kooxood ay horyaalka ku dagaalami doonaan ilaa iyo dhamaadka.”