Samir Nasri: Barcelona Ma Ahan Kooxda Ugu Fiican Adduunka

Samir Nasri: Barcelona Ma Ahan Kooxda Ugu Fiican Adduunka

 

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 20-February-2014

Soccer - Manchester City - Press Conference - Carrington Training Ground

Laacib ka kooxda Man City Samir Nasri ayaa sheegay in kooxda Barcelona aysan ahayn kooxda ugu fiican adduunka waqtigaan la joogo isagoona si aan toos ahayn u sheegay in Bayern Munich ay tahay kooxda ugu fiican adduunka waqtigaan la joogo.

Nasri ayaa wax laga waydiiyay guul daradii ka soo gaartay kooxdiisa kooxda Barcelona oo 0-2 uga badisay kulanka lugta hore ee wareega 16 ka Champions League wuxuuna ku jawaabay” Man City waxay gurigooda kaga adkaatay Bayern Munich oo ku guulaysatay Champions League xili ciyaareed kii hore, marka maxaa diidaayo inaan midaas oo kale aan ku samayno Camp Nou”.

“Barcelona ma ahan kooxdii ugu adkeed ee aan kula ciyaarno Etihad, Bayern Minich ayaa aheed kooxdii ugu awooda badneed waayo kubad dhan ma aanaan taaban ilaa 60 daqiiqo laakiin Barcelona waxaa fursada siisay rigooradii ay heleen, laga yaabee hadii aysan rigoore heli lahayn in ciyaarta ay ku dhamaan laheed 0-0″.

“Waxaan dareemaynay nijad jab kadib rigooradii Messi, rigoorada ka hor wax fursad ah ma aysan helin Barcelona, kulanka lugta labaad waa mid labada dhinacba u furan, waxaana nasiib u haysanaa inaan usoo gudubno wareega 8da, waan ku kalsoonahay nafteena gaar ahaan marka uu soo laabto Aguero”.