Shan Xaqiiqooyin Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Kulanka Furitaanka Koobka Adduunka Brazil v Croatia.

Shan Xaqiiqooyin Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Kulanka Furitaanka Koobka Adduunka Brazil v Croatia.

waxaa qoray: maslaxtaleexi
 Inta uu socda Koobka Adduunka waxa idiin soo gudbin doonaa shan xaqiiqo oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato kulanka ugu muhiimsan ee maalin walba. Kulanka maanta lagu furayo Koobka Adduunka waxaa Sao Paulo ku ciyaaraya  Brazil iyo Croatia
.

  •     Brazil loogama badinin dalkooda kulan tartan rasmi ah muddo ka badan 38 sanadood, waxaana ugu danbeysay Peru oo Copa America        kaga badisay 1975tii kulan semi-finalka ahaa oo ka dhacay Belo Horizonte.
  • ‘   Jô’ ayaa noqon doona magacii ugu gaabnaa ee ka soo muuqda maaliyad lagu ciyaaro Koobka Adduunka abid. Ma jiro magic ciyaaryahan kale oo taariikhda Koobka Adduunka uu magaciisa ka koobnaa labo xaraf. Magaciisa rasmiga ah waa João Alves de Assis Silva laakiin waxaa si aad ah loogu yaqaanaa Jo.
  •     Pelé ayaa soo xirtay maaliyada caanka ah ee Brazil ee #10 afar Koob Adduun oo isku xigta intii u dhaxeysay 1958 iyo 1970kii. Tan iyo markaas waxaa soo xirtay Roberto Rivelino (1974, 1978), Zico (1982, 1986), Silas (1990), Rai (1994), Rivaldo (1998, 2002), Ronaldinho (2006) iyo Kaká (2010). Waqtigaan waxaa lagu aaminay Neymar. Ma jiro ciyaaryahan Brazil u watay #10 oo Koobka Adduunka gool ka dhaliyay tan iyo Rivaldo markii uu gool ka dhaliyay England 21kii June 2002.
  •   Fred ayaa ah xiddiga ugu waqtiga fiican ee gool ka dhaliya Koob Adduun. Rikoorkiisa Koobka Adduunka waa hal kulan, seddex daqiiqo uu ciyaaray iyo hal gool. Kulankiisa kaliya ee uu ciyaaray Koob Adduun waxa uu ka horyimid Australia 18kii June 2006.
  •    Nico Kovac ayaa noqday ninkii ugu horeysay ee Croatia ee Koob Adduun u mata xulka wadankiisa isagoo ciyaaryahan iyo tababare ah. Waxa uu gool u dhaliyay wadankiisa Koobkii Adduunka ee ugu danbeysay ee 2006 kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Australia. Macalinka Belgium Marc Wilmots ayaa isna sidoo kale gool u dhaliyay wadankiisa Koobkiisii Adduun ee u danbeysay.