Taageera kooxda liverpool oo geeriyooday kadib Markii ay is tooreeyen Mid taageera Arsenal

Taageera kooxda liverpool oo geeriyooday kadib Markii ay is tooreeyen Mid taageera Arsenal

waxaa qoray:maslaxtaleexi
tooreey

Nin taageere u ah naadiga kubadda Cagta ee liverpool ayaa geeriyooday kadib Markii ay is tooreeyen ninkale oo taageera kooxda Arsenal Maalintii sabtida intii ay socotay ciyaartii Arsenal iyo liverpool taa oo ka dhacday dalka Kenya.

Labada taageere ayaa Meel baar ah ka daawanayay ciyaarta Meeshaa oo lagu Magacaabo Marete Makutano oo ku taala Magaalada Nairobi waxayna ku Murmeen shanta gool ee lagu leeyahay kooxda Arsenal waxaana xanaaqay taageeraha Arsenal tooreey ayuu la soo baxay waxuuna ku dhuftay taageerihii liverpool kadib wuu ka baxsaday goobtii.

Anthony Muteithia oo ah wiilka taageeraha u ahaa liverpool ayaa geeriyooday intii loo waday isbitaalka waxaan sidaa xaqiijiyay Tom Odero oo ah nin ka tirsan Polic-ka.

Maahan Markii ugu horeesay oo dhacdadaan oo kale ee ka dhacdo dalka Kenya 8 December ayeey eheed Markii uu dabaq iska soo tuuray nin taageere u ahaa kooxda Man Utd kadib Markii aad uga carooday Newcstel oo ka badisay kooxda Man.