Wojciech Szczesny: Arsenal Kama Baqdin Qabto Kulamada Adag Ee Bisha Febraayo.

Wojciech Szczesny: Arsenal Kama Baqdin Qabto Kulamada Adag Ee Bisha Febraayo.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 04-February-2014

344929_heroa

Wojciech Szczesny ayaa sheegay in Arsenal aysan ka walwalsaneyn kulamada adag ee ay ciyaarayaan bishaan Febraayo.

Gunners ayaa labo kulan wajihi doonta Liverpool, waxa ay sidoo kale wajahayaan Manchester United horyaalka iyo weliba Champions League oo ay wajahayaan Bayern Munich 11 maalmood gudaheed.

Laakiin goolhayaha reer Poland oo 11 kulan shabaqa ilaashaday horyaalka Premier League, ayaa sheegay inuu indhaha ku hayo bil muhim u ah xilli ciyaareedka Gunners.

 

“Waxaan u arkeynaa bisha Febraayo fursad aan farqi sidaan ka weyn u sii dhex dhigno anaga iyo kooxaha naga danbeeya, waxaana rajeynayaa inaan dadka tusno waxa aan ka sameysanahay.” ayuu Szczesny u sheegay suxufiyiinta.

“Waxaa inaga horeeya kulamo adag laakiin isha ayaan ku heynaa. Waa wax fiican inaan hogaanka heyno haatan laakiin waxa inoo muhimsan ayaa ah inaan hogaanka heyno marka la gaaro dhamaadka bisha May. Haatan wax muhiimad ah inooma laha.

“Waxaa ina soo hayo kulamo adag laakiin kulan kasta oo ka tirsan Premier League ayaa adag waqti xaadirkaan, ma jiraan kooxo tabar daran.”